Dhageyso: Maleeshiyada kooxda Al Shabaab oo afar dhalinyaro ah ku toogatay Baraawe

0

Baraawe, AGGM: Fagaaro ku yaalo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa Al shabaab waxa ay ku toogteen afar ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay Shabaab ku eedeeyeen inay Dowladda la shaqeeyaan.

Raga la toogtay ayaa Shabaab waxa ay ku sheegeen magacyadooda.

1-Mahad Xasan Ciise oo da’diisu aheyd 26 sano jir wuxuu ku eedaysnaa in uu la shaqeynayay hay’adda CRD iyo Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya.

2-Xasan Xaaji Aawow oo da’diisu aheyd 27 sana jir isagana waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Nabadsugida Soomaaliya.

3-Iidle Max’med Xasan oo 18 sana jir ahaa ayaa isna lagu helay in uu wada shaqeyn lalahaa Nabadsugida Dowladda Federaalka.

4-Axmed Max’med Aadam ayaa isagana waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay ciidamada Amisom.

Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee fagaaraha dilka toogashada uu ka dhacay ka hadlaayay ayaa digniin ujeediyay rag ay sheegeen inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayeey aheyd markii Shabaab ay fagaaro ku yaalo Baraawe dhagax ku dileen haweenay lagu eedeeyay inay isla guursatay afar haween ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com