Milateriga Gobolka Hiiraan oo sheegay inay soo qabteen Sarkaal Shabaab ka tirsan 6-nin oo kalena ay isku soo dhiibeen

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa isku soo dhiibay rag ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo ka dagaalami jiray Gobolkaasi, sida ay ay sheegeen Saraakiisha Milateriga Gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan Cismaan Cabdi Muumin oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaayo in ragani isa soo dhiibay ay ula dhaqmeen si wanaagsan oo loo soo dhaweeyay.

Raga isku soo dhiibay ayaa tiradooda wuxuu ku sheegay inay gaarayaan ilaa 6 Dagaalyahan oo dhalinyaro ah kana tirsanaa Ururka Mucaaradka ee Shabaab.

“Koleyba nin wado qaldan ku socday oo kasoo laabtay waxaa uu xaq u leeyahay in leyska cafiyo, Talisku waa uu soo dhaweynayaa dadka doonaya in ay ka soo tagaan Al-shabaab, weli waxaa furan gacanta Cafiska ah ee aan u fidineyno Dhallinyarada ay nimankaasi marin habaabiyeen” Ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan.

Ragan ayuu sheegay in si gooni-gooni ah ay ula soo xiriireen saraakiisha ciidamada oo loo soo dhaweeyay, Afar kamid ah ayuu sheegay in hal mar ay isa soo dhiibeen todobaadkii lasoo dhaafay gudihiisa, halka labo kalena ay shalay ciidamada isku soo dhiibeen, dhamaantoodna ay hada ku sugan yihiin Magaalada Beladweyne.

Abaanduulahu wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in ay soo qabteen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo ay markii hore usoo bandhigeen in uu isa soo dhiibo balse uu ku gacan seyray, intaa kadibna ay kusoo qabteen Baaritaan ay sameeyeen, waa xubintii 7-aad ee ka tirsan Al-shabaab ee Ciidanka dowladdu ay Todobaadkan keenaan Beledweyne.

Shabaabka ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo food saaray hoos udhac ku aadan dhanka dagaalada, xilli laga qabsaday dhul badan oo Gobolkaasi ku yaalo.