Nolosha GODANE oo shaki ku jirta iyo hal arrin oo xaaladda sii adkeeneysa!

0

 

Ciidamada Maraykanka ayaa qaaday weerar cirka ah oo lagu beegsaday hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, iyada oo la soo sheegay in khasaare dhacay laakiin aan meel lagu ogeeyn halkii uu ku dambeeyay bar-tilmaameedkii ugu weynaa, sidaa waxa Talaadadii (2-dii September) sheegay mas’uuliyiin Soomaali ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay Isiniintii fulisay “howlgal” ka dhan ah al-Shabaab, oo ay “qiimeeynayso natiijadiisii”.

“Maraykanku waxay qaadeen weerar weyn oo cirka ah iyada oo lagu beegsaday goob ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin sarsare oo al-Shabaab ah, kuwaa oo uu ku jiray hoggaamiyahooda Abu Zubeyr,” ayuu yiri Guuddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur sida laga soo xigtay AFP.

Godane waxa sidoo kale loo yaqaan Abu Mukhtar al-Zubeeyr, wuxuuna ku jira liiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee siddeeda qof ee argagixisada ah ee loogu raadiska badan yahay caalamka, iyada oomadaxiisa la dul-dhigay $7 milyan oo abaal-marin ah.

Godane ayaa waxa lala beegsaday dhowr weerar oo cirka ah sannadkii hore, waxana ka mid ahaa laba jeer oo uu ku sigtay in uu ku baxo gacanta millatariga Kenya iyo Maraykanka bishii January.

Weerarradii hore, hadday ahaan laheeyd nasiib ama xog uu helay, waxa la sheegay in uu Godane ka tagay aagagga la beegsaday daqiiqado ka hor inta uunan dhicin weerarka. Markan, waxa dhici kartaa in uuna nasiibkaa helin, inkasta oo mas’uuliyiinta Maraynkana iyo Soomaalida, iyo sidoo kale al-Shabaab, ay wali ka aamusan yihiin natiijada howlgalka.

Mas’uul al-Shabaab ah oo AFP kula hadlay shardi ah in aan la magac-dhabin ayaa ku sheegay wararka sheegaya in uu dhintay “kutiri-ku-teen”.

Laakiin, afhayeenka al-Shabaab Abu Maxamed ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Godane uu la socday mid ka mida labada gaari ee ay duqeeyntu haleeshay Isniintii, laakiin ma caddeeyn in uu ka mid ahaa lixda xagjir ee dhintay.

“Waxan qiimeeynaynaa natiijada howlgalka wixii xog dheeraad ahna waxan siideeyn doonnaa xilliga munaasibka ah,” ayuu hadal uu soo saaray ku yiri Xoghayaha Saxaafadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Admiraal John Kirby.

Duqeeynta ayaa imanaysa maalmo kadib markii ay ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa dawladda Soomaaliya ay bilaabeen Howlgalka Badweynta Hindiya”, oo ah duullaan ballaaran oo looga golleeyahay in al-Shabaab looga qabsado dekedo muhiim ah isla markaana lagu gooyo mid ka mida ilaheeda dakhli ee ugu muhiimsan — dhoofinta laga macaasho malaayiinta doolar ee dhuxusha.

Dagaalyahannada al-Shabaab ayaa inta badan baxsaday ka hor weerarka soo socda ee ciidamada huwanta, iyada oo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose uu sheegay in duqeeynta cirku beegsatay taliyayaasha al-Shabaab oo isugu yimid in ay ka arrinsadaan howlgalka.

“Waxay kulan ka lahaayeen in ay ka wadahadlaan duullaan hadda ka socda gobolka,” ayuu yiri Nuur. “Khasaare ayaa la gaarsiiyay xagjiriinta, laakiin illaa iyo hadda ma hayno tafaasiil.”

Nuur waxa uu sheegay in duqeeyntu haleeshay meel ay ku dhuumato al-Shabaab oo loo isticmaali jiray xero lagu tababaro ismiidaamiyayaasha oo ku taal tuulo durugsan oo ka tiran gobolka Shabeellaha Hoose, oo dhaca koonfurta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Duqeeynta cirka ayaa imanaysa maalmo kadib makrii al-Shabaab ay gaari ku qarxisay bannaanka Xarunta Nabad-sugidda Qaranka ee Muqdisho, kadibna uu dhacay dagaal ay la galeen ciidmada ammaanka Soomaaliya kaasoo ay ku dhinteen toddoba xagjir iyo shan kale.

Sabtidii ayay AMISOM ku dhawaaqday biloowga soo laba-kacleeynta duullaanka lagu hayo al-Shabaab, iyada oo sheegtay in ay qabatay magaalada Buulomareer, oo 160 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. Buulomareer waxay aheeyd goobtii isku daygii weerarkii komaandooska Faransiiska ee January 2013-kii ku doonayeen in ay ku soo furtaan askari sirdoon oo halkaa lagu heeystay.

Askarta AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la arkay iyaga oo u sii ruuqaansanaya halkaa iyo Baraawe, taasoo ah deked weyn tii ugu dambeeysay ee ku hartay gacanta al-Shabaab oo ku taal xeebta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Ciidamada Khaaska ah ee Maraykanka ayaa October 2013-kii weerar ku qaaday guri ku yaal Baraawe iyaga oo bar-tilmaameedsanayay taliyaha al-Shabaab Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, oo ah Kenyan asalkiisu yahay Soomaali kuna socda naaneeysta Ikrima, laakiin waa la caabbiyay iyada oo la rumeeysan yahay in ay halkaa ku dhaawacmeen dhowr ka tirsan Ciidamada Komaandooska Badda ee Maraykanka.

Godane, oo 37-jir ah, oo la sheegay in uu Afghanistaan tababar kula soo qaatay Daalibaan, ayaa hoggaanka la wareegay 2008-dii kadib markii hoggaamiye Aaadan Xaashi Faarax Cayroow lagu dilay duqeeyn gantaal oo uu qaaday Maraykanku.

Hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa u aqoonsaday Godane in uu yahay madaxa “mujaahidiinta” Bariga Afrika, inkasta oo waraaqo la soo saaray kadib dhimashadii Osama bin Laden ay muujinayeen in uu kalsooni taa ka yar ku qabay awoodaha Godane.

Hoggaanka Godane ayaa waxa dhaliil uga timid raggiisii sannadihii dhawaa, taasoo abuurtaykhilaaf qoto dheer oo ka dillaaca garabyo is haya oo al-Shabaab ah, kaasoo sida la sheegay uu Godane door biday in uu wax uga qabto amar uu ku bixiyay in la laayo kuwa khilaafsan.

Kadib dilkii ugu yaraan laba sarkaal oo sarsare sannadkii hore, ayuu Godane waxa uu u isticmaalay sirdoonka gudaha al-Shabaab ee loo yaqaan “Amniyaat” in ay sii adkeeyaan xakamaha ay ku hayaan xubnaha kooxda xagjirka ah.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka Godane, waxay ay dagaalyahannada al-Shabaab ku qaadeen dhowr weerar oo waaweeyn, hadday ahaan laheeyd gudaha iyo hadday ahaan laheeyd Jabuuti, Kenya iyo Uganda — waddamadaas oo dhammaantood askar ugu deeqay AMISOM.

Marka la eego gudaha Soomaaliya, komaandoosta ismiidaaminta ayaa weerarro dhiifoon ku qaaday wadnaha dawladda, oo ay ku jiraanxarunta madaxtooyada oo loo yaqaan Villa Somaaliya,baarlamaanka, xarunta Qaramada Midoobay, Xarunta Maxkamadda ee Muqdisho iyo, Axaddii (31-kii August), oo la weeraray xarunta dhexe ee sirdoonka..

Godane ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerarkii bambaane ee lagu qaaday caasimadda Uganda July 2010-kii kaasoo dilay 74 qof, iyada oo sidoo kale la sheegay in uu madax ka ahaaxasuuqii September 2013-kii ka dhacay Suuqa Dukaameeysiga ee Westgate, kaasoo go’doomin afar maalmood qaadatay ay ku dhinteen ugu yaraan 67 qof.

Khubarada ammaanka ayaa sheegaya in dhaqamada Godane hadday ahaan laheeyd ka hoggaamiyenimadiisa ruuxiga ah ee “amiirnimada” iyo madaxa tabaha dagaalka ee ciidamada al-Shabaab, ay hoosta ka xarriiqayaan sababta uu bar-tilmaameedka sare ugu noqday weerarrada daroonka iyo duqeeymaha cirka.