Qarax lala eegtay ciidanka Amisom ee Buulo Mareer

0

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Degmada Buulo mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose, qarax ayaa goordhaweyd oo maanta ah ciidamada Amisom lagula eegtay duleedka Degmadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaraxan ayaa noociisa wuxuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay kolonyo gaadiidka ciidamada Amisom ah, xilli ay kasii baxayeen Degmada Buulo mareer.
Ilaa hada waxa aan la ogeyn khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawac ah ee ciidamada Amisom qaraxaasi, kasoo gaaray laakiin gaari noociisa uu yahay midka Booyada biyaha lagu qaado ayuu qaraxa ku dhacay oo ciidamada Amisom ay wateen.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Degmada Buulo mareer iyo Maamulka oo aan la xiriirnay ayaan suuragelin inay taleefonada ka jawaabaan, si aan wax uga weydiino khasaaraha ka dhashay qaraxa inta uu la eegyahay.
Baraha Internetyada Shabaab ay wararka ku baahiyaan ayaa lagu soo qoray in guutada qaraxyada ee Shabaab ay ka dambeeyeen qaraxaasi lala eegtay ciidamada Amisom.