Qeyb ka mid ah hantidii Somalia uga xayirneyd dunida oo ay qaadatay Somaliland

0

Toddobaadadii u dambeeyey masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliya, Somaliland, deeq-bixiyeyaasha iyo warbaahinta duniduba waxa ay u dhego taagayeen warbixin sannadeedka Guddida Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka iyo la socoshada xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea looga bartay in ay sannad kasta soo saarto bilahan oo kale.

Warbixintaas oo guddida afka qalaad lagu yirhaahdo Monitoring Group ay ku eegaan dhinacyada hubka, musuq-maasuqa, maamul xumada iyo qaladaadka kale ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo dalalka kale ee si uun arrimahaasi ugu xiriiryaan ayaa qayb ka mid ah oo ay Alldhacdo heshay waxa ay ka hadlaysaa laba qodob oo daba socda isla warbixintii tan oo kale ahayd ee sannadkii hore ay soo saartay guddidu oo ahaa hubka uu ururka Al-Shabaab ka helo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadaalka aan kala joogsi lahayn ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku doonayo in uu kusoo firto hantida dowladda Soomaaliya uga xayiran caalamka.

Hantidaas, ayaa uu Xasan Sheekh Maxamuud soo deynteeda u adeegsaday shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Schulman Rogers oo dhinaca sharciga ka shaqaysa.

Sida warbixintan ka muuqata Guddidan Qaramada Midoobey, waxa ay aaminsan yihiin in lacagahan uu raadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doonayo in loo isticmaalo si aan waafaqsanayn shuruucda u yaalla hantida qaranka, oo ay cid gaar ahi si shakhsiya ugu takri-falayso, inkasta oo wax caddeymo ah aysan hayn kooxdan Motioning Group, oo loo arko koox dano kale leh.

Guddidu waxa ay heshay oo warbixintodan ay ku soo qaaten farriimo qoraal ah oo badan oo ay is dhaafsadeen dhinacyada ay arrinta lacagtan iyo hubku khusayso, dadka sida gaarka ah farriimahan la isu diray ugu xusan ee ay warbixintu sheegayso in ay ku lug leeyihiin hawlahaas socdana waxaa ka mid ah xawaaladda Hodan Global Service iyo laba nin oo lagu kala magacaabo, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab iyo Cabdicasiis Xasan Giyaajo (Amalo) labadan nin oo sidoo kalana ku magacaaban la-taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba mid ka mid ah farriimaha guddidu soo heshay oo uu Cabdicasiis Amalo u qoray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhex muuqata Somaliland waxa aanay warbixinta ugu qortay sidan: “…. 6dii Bishii Kow iyo Tobnaad 2013, ayaa Cabdicasiis Amalo uu madaxweyne Maxamuud uu u qoray qoraal ku qornaa Af-Soomaali (Guddida ayaa Ingiriisi u rogtay, kadib Alldhacdo  ayaa mar kale Af Soomaali u soo rogtay), waxayna u qorneyd sidan.

“Waxa aan maanta aad ugu faraxsanahay, in ay suurtogal noqotay in lacagtii taallay gobolka New York la inoo soo diray, waa guul weyn. Waxa aynu caqabado kala kulannay Somaliland iyo Puntland. Lacagta hartay ee taalla Yurub tiradeedu qiyaastii waa 60 illaa 70 Milyan oo doolar, waa marka lagu daro 25 Milyan oo doolar oo si qalad ah loo siiyey Somaliland, laakiin laga soo celin doono. Arrimahan iyo kuwo yaryar oo kale oo Shantii sano ee u dambeeyey aynu ku hawlanayn, aniga, Jeremy iyo Xaaji Muuse-na aanu halkii sano ee u dambeeyey ka shaqaynaynay. Mudane madaxweyne, dhammaan arrimahaasi waa hab aanu doonayno in aanu kor ugu qaadno xushmadda dowladda. Waxaa jira dad badan oo dowladihii hore iyo taadanba la soo shaqeeyey oo doonayey in aanu daaha dabadiisa kala shaqayno, laakiin waanu ka diidnay. Waxa aan arkay seedigay Abukar Carman, ergeygii hore ee Washington DC fadhiyey, oo imika aanu xidhiidhkayagu fiicnayn.

Qadiyadda labaad ee dhacdayna waa in dad badani ay nagu eedeeyeen in aanu tuug nahay. Waxaa warkaas wada niman Mareexaan ah oo la shaqayn jiray raysalwasaarihii hore. Sida marka horeba la ogaa waxa ay ka soo horjeedeen in hawshan ay qabato shirkadda Shulman’s waxa aanay doonayeen in Baanka adduunku uu shaqada qabto. Laakiin mudane madaxweyne waa in aad ogaataa in haddii lacagtaasi ay soo marto baanka adduunka, inta aad ka helaysaa ay noqonayso boqolkiiba 25 keliya, inta kalana ay iyagu haynayaan, taas oo ay kaga duwan tahay shirkaddan Shulman oo iyadu u diyaar ah in ay lacagta oo dhan ku soo xawisho magacaaga. Mudane madaxweyne waa aynu oran karnaa intayada arrintan la socotaa waa dad qaraabo ah, laakiin ogow oo shalay markii aan Sheekh Shariif la shaqaynayey ma’aanu is aqoonin, qaraabana maanu ahayn. Waxa aanu nasiib ku leenahay in aad noqotay madaxweyne fiican, waayo, mar kasta oo mucaaradadu badato, tallaabooyinka hore loo qaadayaana waa ay badanayaan. Ugu dambayntiina sida aad adiguba si fiican u garanayso, markii madaxweyne Kennedy la weydiiyey sababta uu walaalkii uga dhigay xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykan, waxa uu ku jawaabay, “Raalli gelin kama bixinayo, guusha ay qosykaygu gaareen”