Qorashaha dagaal ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo (XOG LA HELAY)

0

Waxaa dhawaan la filaayaa in dagaalo xoogan ay ka bilawdaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee halkaasi ku sugan.

Shabakada AllGG  ayaa mid ka mid ah saraakiisha ku sugan gobaladaasi ka heshay xog culus kuna aadan qaabka ay ciidamada u dagaalami doonaan.

Ugu horeen ciidamada jooga Gedo waxay isugu jirayaan DF, Ahlu-sunna iyo kuwa Itoobiya, waxayna cagta Marin doonaan dhanka Baardheere, waxayna u  gudbayaan Jubada Dhexe, iyaga oo tagi doona degmada Bu’aale oo hadda ah Bartilmaameedka dagaalka cusub.

Dhanka Jubada Hoose, waxaa iska soo wada raaci doona ciidamada DF, Jubba, AMISOM oo kala ah dalalka Kenya iyo Sera Leone, waxyna ka kala bixi doonaan Laba jiho, waxayna wada tagi doonaan degmada Bu’aale ee xarunta gobalka Jubada Dhexe.

Waxaa jiri doona ciidamo kale oo iyaguna loo diyaariyay oo kaliya sifeenta wadooyinka, islamarkaana waxay daba socdaan ciidamada dagaalka galaaya.