Raiisul wasaaraha oo UK u ambabaxay

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo xalay ku hooyday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa barqadii maanta Muqdisho Garoonkeeda kasoo degay.

Isla maanta ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u safray Magaalada London ee dalka Uk, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shir looga hadlaayo arimaha ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dhisida ciidamada Xooga dalka.
Safarka ra’iisul Wasaaraha uu ugu ambabaxay dalka UK, ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
C/wali Sheekh oo Garoonka Muqdisho kula hadlay bahda Saxaafada ayaa sheegay in dalka uk uu uga qeybgalayo shir looga hadlaayo sidii oo horumarin lahaa dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ciidankeeda hada umuuqda kuwa wanaagsan oo soo dhismaayo, marka loo eego sanado kahor sida ay ahaayeen.