Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo furay shir looga hadlayo kobcinta tacliinta sare

0

Muqdisho, AGGM: Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta furay shir looga hadlayo kobcinta tacliinta sare ee dalka, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo socon doono  muddo shan cisho ah , isla markaana ay iska kaashadeen Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare iyo hay’ad Jaamacadda carabta u qaabilsan xagga bar baarinta hidaha iyo tacliinta sare oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan “EKSO” ayaa waxaa kaloo looga hadlayaa isdhexgalka bulshada, dib-u-heshiisiinta, dastuurka iyo horumarinta nidaamka Federaalka, kaasi oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo xubno kale oo hay’adda EKSO ka socday.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana waxyaabaha shirka ay qeyb ka qaadan karaan qorshaha ay dowladdu hiigsaneyso sanadka 2016-ka, isagoo xusay in shirka ay ka qeyb galeen quburo Soomaaliyeed iyo kuwa ka socda Jaamacadda Carabta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Hay’adda “EKSO” sida ay Wasaaraddu gacan uga siisay qabsoomidda shirkan muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Rdiwaan Xirsi Maxamed oo shirka furay ayaa xusay in shirka uu ka soo bixi doono talooyin wax ku ool ah, isagoo ku booriyay in ay talooyin dhaxal gal ah ka soo saaraan shirka.

Shirka ayaa qeyb ka ah shirarka looga hadlayo sidii loo gaari lahaa in sanadka 2016-ka uu dalka ka qabsoomo doorashooyin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com