Raiiusl wasare C/wali oo kahadlay xaalada dalka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo wareysi Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya, ayaa haddalkiisa ku bilaabay “howlo badan ayeey dowladdu qabatay, waxyaabaha ugu badan ee ilaa hadda lagu guuleystay waxaa ka mid ah in Al-Shabaab laga xorreeyey 13, degmo oo dalkeenna ka mid ah, howlgal ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa dalka ka socda, ummadda Soomaaliyeed arrintaasi waan ugu bishaareynayaa”.

Wareysiga Ra’iisul wasaaraha oo sii socda ayuu yiri “safarka aan ku imaannay aniga iyo wefdi wasiirro iyo taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed London waa arrin aan ku damacsanahay in lagu xoojiyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, shirkii maanta London ka furmay  waxaa arrin dardargelineysa sidii ciidammada Xoogga ay u gaari lahaayeen isku filnaansho”.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka jawaabey Su’aallo ay weydiisay Wariyaheenna Aamina Muuse Wehliye, waxa uu  yiri “ xalka Soomaaliya waa in salka loo dhigaa hannaan siyaasadeed oo hufan, kaas oo noqon kara mid dadku ay wax ku wada qabsadaan, waad la socotaa Xukuumaddu dadaal ayeey ku bixisay sidii loo hirgelin lahaa nidaamka Federaalleynta waddanka, meel aad wanaagsan ayeey wax inoo marayaan, haddii uu ALLE idmo waxaa dhowaan waddanku yeelan doonaa maamul gobolleedyo Federaalka ku yimid”.