SAWIRRO DAAWO:- Wafdi uu hoggaaminayo Sh. Maxamed Awlibaax oo maanta soo gaaray Garbahaareey.

0

 Garbahaarey, AGGM:Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, wafdi isugu jira Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Hoggaamiyayaal dhaqan kuwaas oo ka qeyb gali doona shirweynaha wadatashiga dadka dagan gobolka Gedo oo dhawaan ka furmi doona magaalada Garbahaareey.

 

Wafdiga ayaa waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Garbahaareey masuuliyiinta gobolka, Ururada Bulshada Rayidka, iyo Ardayda magaalada, waxana ay kula hadleen dadweynaha fagaare ku yaala bartamaha magaalada Garbahaareey, waxana ay tilmaameen shirkani uu noqon doono mid si wadajir ah ay dadku uga tashan doonaan aayahooda.

 

Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe oo  la hadlayay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha wafdiga safarka ay kusoo gaareen magaalada Garbahaarey, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay qabsoomida shirka wadatashiga ah ee bulshada gobolka isugu imaan doonto.

 

Sheekh Maxamed Yuusuf “Awlibaax “ oo u hadlay xubnaha wafdiga ayaa sheegay ujeedka ay usoo gaareen magaalada in ay tahay sidii midnimada dadka gobolka Gedo looga wada qeyb qaadan lahaa isla markaana wadajir loo wajihi lahaa ka qeyb qaadashada shirarka dib-u-heshiisiinta ee ka dhici doona Kismaayo iyo dhamaystirka maamulka KMG ah ee Jubba.

 

Sidoo kale waxaa Munaasabadda hadal ka jeediyay qaar kamid ah odayaasha dhaqan ee wafdiga la socday, waxana ay dhammaantood tilmaameen ahmiyadda uu shirku u leeyahay bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

 

Dhanka kale, waxaa la filayaa maanta in ay soo gaaraan magaalada Garbahaareey xubno kale oo isugu jira Xildhibaan, Saraakiil iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kale la filayo inuu si rasmi ah u furmo shirweynaha wadatashiga ah saacadaha soo socda.

20140923_095234 20140923_100735 20140923_100754 20140923_100817 20140923_100853 20140923_100905 20140923_101012 20140923_101051 20140923_101438

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com