SAWIRO:- Odayaasha dhaqanka Garbahaareey iyo Guddigii Farsamada Shirka oo kulan yeeshay

0

Kulan ay galabta ku yeesheen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, guddigii hordhaca u ahaa shirweynaha wadatashiga dadka dagan gobolka Gedo iyo odayaasha dhaqanka gobolka ayaa looga hadlayay arrimo dhowr ah oo kamid yihiin habsami u socodka shirka oo dhawaan la filayo in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Garbahaareey.

 

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabsoomida shirkan oo muhiimad gaar ah u leh dadka dagan gobolkan, iyadoo ay tilmaameen doorkooda in ay ka ciyaari doonaan.

 

Ibrahim Guuleed oo kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Garbaharey ayaa uga mahadceliyay guddiga qabsoomida shirka, waxana uu xusay dadka dagan gobolka Gedo in ay diyaar u yihiin sidii ay gacan buuxda uga gaysan lahaayeen midnimada dadka gobolka iyo sidii ay gobollada kale wax ula qeybsan lahaayeen.

 

Xuseen Faarax “Coongaab” oo kamid ah xubnaha guddiga farsamada ee shirka ayaa dhankiisa xusay shirkani in ay kasoo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo dadka gobolkan danahooda uga tashan doonaan.

20140922_174443 20140922_174423 20140922_174405 20140922_174337

20140922_174337