Sawirro: Kulan Lagu Taageerayay Degmada Cusub Ee Saaxo Oo Ka Dhacay Magaalada Leicester Ee Dalka Ingiriiska.

0

Leicester, UK AGGM: Shirwayn oo ay soo qabanqaabiyayn Jaaliyadda degmada cusub ee Saaxo ayaa lagu qabtay magaalada Leicester ee cariga Ingiriiska. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne badan oo Soomaliyeed oo isugu jiray odayaal, culamaa’u diin, aqoonyahanno, ganacsato iyo dhalinyaroba.

Kadib markii shirka lagu furay Qur’aanka kariimka ah ayaa waxaa shirka si toos ah u furay gudoomiyaha qabanqaabada shirka isagoo dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka u mahadceliyay sheegayna isku imaanshahaan lagu xusayo degmadan maalin wayn u tahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed siiba dadka dega degmada cusub ee Saaxo kadib markii dhowr isbuuc kahor loo magaacaaway Saaxo inay tahay degmo buuxda. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay isku imaanshahaan shirkaan in lagu soo dhawaynayo laguna taageerayo Shirweynaha nabaddaynta ee Jubbooyinka iyo Gedo ee dhawaan ka qabsoomi doona Kismaayo.

Sheekh Yusuf Xooday oo kamid ahaa odayaashi kasoo qayb galay shirka ayaa faahfaahin buuxda waxuu ka bixiyay degamada Saaxo juqaaraafi ahaan meesha ay ku taalo iyo degma ahaan say tahay. Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Saaxo ku taalo xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca gobolka Mudug ayna u jirto Gaalkacyo 70 kiilo mitir halka ay Gelinsoorna u jirto dhowr iyo labaatan kilo mitir. “meeshaan waxay ahayd tuulo wayn oo istaraatiiji ah oo marna caduunka loo noqdo marna badhanta iyo dooxada loosoo noqdo, waxay ahayd meel ganacsiga aad iyo aad ugu wanaagsan oo dhinici Itoobiya oo xoolihi u badanyihiin waa la deris oo way kulaalaysaa, Gaalkacyo iyo magaalooyinki kale ee waawaynaana way u dhawyihiin oo way kulaalaysaa, laamiga wayna (ee kacaanki dhisayna) qarka ayuu usaaranyahay oo ma dhamo 10 kilo mitir” ayuu yiri Sheekh Yuusuf mar uu qeexayay muhiimadda ay Saaxo leedahay iyo fursada wayn ay u heli karto inay noqoto magaalo wayn oo xag dhismo iyo ganacsiba xarun u noqoto.

Sidoo kale waxaa meesha ka hadlayOday Yaasiin oo ka mid ahaa odayaashi kasoo qayb galay isagoo hadaladiisana kamid ahaayeen “ waxaan ugu hambalyaynaa maamulka gobaleedka Puntland magacowga ay magacaabeen degmada Saaxo” sidoo kale hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “Degmadaan iyo degmooyinkale oo horay u jiray hadana jiro waxaa looga baahanyahay waxa la isu yahay in la isku ahaado, in Soomaalinimada hal meel looga soo wada jeesto, waxa la isu yahay isir ahaan ayaa walaalo loo yahay”. Sidoo kale oday Yaasiin wuxuu sheegay in wax lagu farxo tahay Shirka waynee loo balasanyahay bishaan ee lagu nabadeenayo dadka walaalaha ee Jubooyinka iyo Gedo kaas oo ay kaga tashan doonaan aayahooda.

Ugu dambeentii shirka waxa uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan waxaana shirka lagu soo xiray duco loogu duceynayay dhamaan ummadda Soomaaliyeed qaasatanna shacabka degmada cusub ee Saaxo.

Magacaabista degmadaan cusub ayaa waxaa la saadaalinayaa inay Saaxo noqon doono magaalo weyn oo la mid noqoto magaalooyinka kale ee waaweeyn ee Mudug iyadoona noqon karta xarrun wayn oo ganacsiyeed maadaama ay jaar la tahay oo qarka usaarantahay xadka itoobiya agteedana uu maro wado wayn oo isku xirta Hargaysa illaa Gaalkacyo.

IMG_9332

IMG_9353

IMG_9326

IMG_9327

IMG_9364

IMG_9367

IMG_9368

IMG_9370
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com