Sawirro:Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo U Amba baxay Dalka Sucuudiga.

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda dalka Sucuudiga halkaasoo uu madaxweynuhu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka,

Madaxweynaha oo ay wehliyaan ku xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna wasiirka diinta iyo Owqaafta Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno katirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyadoo madaxweynuhu uu casuumaad ka helay dowladda Sucuudiga isagoo gudashada waajibaadka alle kadib kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dowladda Sucuudiga.

Waxa uu madaxweynuhu marka uu gaaro dhulka barakeysan allah uga baryayaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka saaro dhibaatada ay hadda kujirto islamarkaana uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha kajira deegaanada qaar.

719 622 518

812

426

98

154

719

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com