Shabaab oo fursado ku tilmaamay hawlgalada ka soconaayo dalka

0

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Ururka Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade), ayaa waxa uu ku goodiyay in ay u babac-dhigi doonaan Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, oo xilligaan dalka ka wada hawlgalo ka dhan ah Shabaab.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in hawlgalada ka bilowday dalka ay Shabaabku u tahay fursad ay suggayeen, si ay isu ballaariyaan Ciidamada Huwanta, isla-markaana ay kaga faa’iideystaan saanadaha militari ee ay wataan.

“Waxay ka mid tahay fursadaha aan la sugeynay cadowga, oo ah inay is ballaariyaan kala fogaadaan, gododka ay ku jiraan ka soo baxaan, Insha’Allah meesha waxa ay heystaan looga reebi doono ayay noqon doontaa.” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Al Shabaab.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise oo la hadlay Idaacada Andulus, ayaa tilmaamay in qorshahoodu uu yahay inay gacmahoodu ku cadaabaan waxa uu ugu yeeray cadowga, isla-markaana ay u diyaarsan yihiin inay ka difaacdaan gacan ku haynta goobaha ay ka jooggaan Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu kaloo sheegay inaan guushi lagu gaari karin ciidan iyo hub fara badan oo la heystaa, laakiin ay guushu markasta ka timaado dhinaca Alle (SWT).

“Guusha kuma timaado hub iyo ciidan fara badan, sideedaba Ilaahay xagiisa ayay guusha ka timadaa.” Waxaa sidaasi yiri Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade).

Kaba Kutukade, ayaa shacabka ka codsaday inay gacan siiyaan oo ay ka barbar dagaalamaan Ururka mayalka adag ee Shabaab, si loo hakiyo hujuumka kaga imaanaaya Ciidamada Huwanta.