Shir wada tashi ah oo kafurmaya gobolka Gedo

0

Xubnahan oo isgu jiray xildhibaano kamid ah baarlamanka odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa kulan ay ku yeesheen magalada Muqdisho waxa ay ku iclaamiyeen shir wadatashi ah oo 20-ka bishan kadhacaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo kaasi oo ay kawada qeyb galayaan beelaha goblkaasi.

Xubnaha madasha kahadlay oo xildhibaano iyo siyaasiyiin isugu jiray ayaa ku mcineeyey waxyaabaha lagawada tashanayo in ay ugu horeyso qaabkii iyo siyaasadii lagu wajihi lahaa shirka kafurmaya magaalada Kismaayo ee lagu heshiisiinayo dadka gobolada jubooyinka, sidaasi daraadeedna ay muhiim tahay sida ay sheegeen in laisku raaco talo loo wada dhanyahay.

Shirka kafurmaya kismaayo waxaa xiligani kataagan muran ku saleysan xiliga laqabanayo maadaama garabka bare hiiraale ay sheegeen in iyaga iyo dowlada ay isku raaceen in laqabanayo 1-da October halka mamulka jubana uu iclaamiyen 16-ka bishan