Shirka Hiigsiga cusub oo maalintii labaad wali ka socda magaalada Muqdisho

0

 

Shirka hiigsiga cusub oo galay maalintii labaad ayaa maanta looga hadlayaa caqabadaha ka jirta dalka iyo sida lagu xalin karo, iyadoo ergada ka qeyb galaysa shirka loo qeybiyay saddex koox oo aragtiyo ka dhiibanaya hanaanka dalka lagu gaarsiin karo hiigsiga cusub.

Ergada ka qeyb galaysa shirka ayaa ajandaha ugu muhiimsan ee laga doodayo ay tahay sida lagu xalin karo caqabadaha ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka, isla markaana bulshada la fahamsiiyo faa’iidada uu hiigsiga cusub ee Soomaaliya u leeyahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo isna kulanka ka hadlay ayaa ku booriyay gudiyada loo qeybiyay ay ka doodaan xalinta caqabadaha jira in ay soo saaraan wax dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdullaaho Goodax Barre ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka hiigsiga cusub ee looga hadlayo amniga, dib eegista dastuurka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda ay ka soo bixi doonaan go’aanno dhaxal gal ah, waxaana uu intaa ku daray in Xukuumaddu ay meel marin doonto talooyin iyo aaraahda ay ergada ka soo saaraan shirkan.

Shirka ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la soo gabo gabeeyo, isla markaana laga soo saaro warmurtiyeed ka turjumaya ahmiyadda hiigsiga cusub uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.