SHIXNADO HUB ah oo mar kale gaaray Khaatumo State (Xagee laga keenay?)

0

 

Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay Shixnado Hub ah u gudbisay Maamulka Khatumo oo Dagaal kula jira Maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Shixnadaha hubka loogu talo galay in Maamulka Khatumo ay isaga difaacan Weerarada kaga imaanaya dhanka Ciidamada Maamulka Somaliland oo gacanta ku hayo Deegaano hoos yimaada Saax-dheer oo ay ku qabsadeen Dagaal.

Xildhibaan ka tirsan Maamulka oo xaalado amni dari uga gaabsaday Magaciisa, ayaa si hoose inoogu xaqiijiyay in Hubka loogu Deeqay Khatumo uu ahaa hubkii ay horay u heysatay Dowlada Puntland, waxa uuna Tilmaamay in Puntland ay aad uga soo horjeedo daan-daansiga Somaliland ay ku heyso Maamulka Khatumo.

‘’Aad ayay Puntland uga xuntahay baacsiga Maamulka Somaliland ay ku heyso Ciidamada Khatumo, insha allah si hoose iyo si muuqataba garab ayay Khatumo uga haleysaa Puntland’’ ayuu yiri Xildhibaankaasi

Dhanka kale, Haddalka Xildhibaanka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maalmo ka hor Taliyaha Ciidamada Militeriga Maamulka Somaliland shaaciyay in Maamulada Kismaayo iyo Puntland hub ugu deeqayaan Khatumo.