Somalida Britain oo laga cabsi qabo in hal arrin ay xabsiyada ugu uruuraan (Aqriso)

0

Boliska magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 24 boorso oo laga soo buuxiyey qaadka qalalan, kaasi oo lagu qiimeeyey lacag dhan 250-Pound ama Geniga Istarliinka ee Britain.

Boliska waxay kaloo sheegeen inaysan jirin dad ay u xireen qaadka ay qabteen.

Ganacsiga iyo cunista qaadka ayaa laga mamnuucay dalka Britain bishii June 24-dii ee sannadkan, iyadoo qofkii lagu qabto uu muteysanayo xabsi ilaa 2 sanno iyo ganaax aan xaddi lahayn.

Wargeyska The Bristol Post ayaa la hadashay dadka Soomaalida ee ku nool magaalladda Bristol, kuwaasi oo badankooda cabasho ka muujiyey mamnuucista Qaadka oo dalka Britain looga aqoonsaday Daroogdda heerka Saddexaad.

Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Bristol ayaa ka digay in mamnuucista qaadka uu Soomaalida ka dhigi karo Dembiilayaal ku uruura Xabsiyada, sabab la xiriirta mamnuucida qaadka Awgeed.

Mid ka mid ah dadka u ololeeya Bulshadda oo lagu magacaabo Abdi Mohamed, kana tirsan Warbaahinta Soomaalida ee Bristol Somali Media Group ayaa sheegay xiritaanka goobaha lagu qayilo inay ku khasabtay dhallinyarradda isticmaala qaadka inay waddooyinka u soo baxaan ilaa saqda dhexe ee habeenkii, taasina ay dhalin karto inay murmaan kadibna ay isku adeegsadaan Hubka fudud, taasi oo sababi karta in Boqolaal dhalinyaro ay u galaan Xabsiyada.

Magaalladda Bristol waxaa ku yaallay 20 ilaa 30 Dukaan oo lagu qayili jirey, kuwaasi oo albaabadda loo labaay.

Xigasho: The Bristol Post