Somaliland oo sheegtay in uu dhaawacmay wadahadalkii ay kula jirtay DF

0

Maamulka Soomaaliland, ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaawacday heshiiska wadahadalka udhaxeeyay Dowladda iyo maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland C/laahi Maxamed Cukuse oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn kahadalka amuuraha ka taagan Soomaaliland.Wuxuu sheegay in amuuraha ka taagan Soomaaliland ay gaar u tahay Maamulkaasi oo Dowladda Soomaaliya ay joojiso faragelinta ay wado.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland C/laahi Maxamed Cukuse, ayaa sidoo kale sheegay in hada dhaawac uu yahay wadahadalkii udhaxeeyaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii tagay, waxa ay ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Saaxdheer oo ka tirsan Gobalka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma.

Soomaaliland warkaan kasoo baxay ayaa waxa uu yahay mid daba socda hadalkaasi Dowladda kasoo baxay.