Taariikh Nololeedka Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed..

0

Muqdisho, AGGM: Cornel. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho,waxbarashadiisa Hoose, Dhexe, Sare ilaa Jaamacad wuxuu ku qaatay gudaha dalka, Takhasuskiisa Master Degree ga ah oo Heshiisyada Caalamiga iyo Security ga (AMNIGA) wuxuu ku soo qaatay dalka Masar, waxaana uu hada diyaarinayaa PHD xiriirka Caalamiga ah oo uu hada kuguda jiro.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cusub ee Hayadda Sirdoonka iyo Nabad sugidda QarankaSoomaaliyeed mudane Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku hadlaa luuqadaha
1. English.

2. Arabic.

3. Luuqada Hooyo Somali.

Shaqda Dowladda wuxuu soo bilaabay sanaddii 2004, isagoo soo qabtay xilal kala duwan iyoxarumo kala duwan, wuxuuna ka bilaabay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka sanaddii 2004,kadibna wuxuu ku biiray Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaliyed ilaa uudarajada ciidanka uu ku gaaray Full Cornel ( Gaashaanle Sare).

Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Xilalka uu soo qabtay Hayadda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka, ayaa waxaa ka mida.

1-Taliyaha CTU” (Counter Terrorism Unit)

2- Taliyaha Hogaanka Xariirka Dibadda.

3- Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada

4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta.

Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa hada ahaa Guddoomiyaha MaxakamaddaCiidamada Qalabka Sida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com