Teeroow Teeriikhda Run kama Sheegtaan Ee waad Hareer Martaan!!! W/Q:Cabdishakuur Cali Sarxaan Al-Naqiib

0
Teeroow sawirkan marag madoontada ah waa Sarxaan Bin Saciid Bin Saalah Bin Cawad Al-Naqiib,oo ah Odeygii Reer Sarxaan ay ku abtirsanayeen,amase ay ka soo farcameen Deegaankoodana ahaa Mudug.Waxaase Teeroow nasiib dara ah in aad sheegateen oo aad tiraahdeen waa nin aniga ah oo Odayaasha Reer Caluula ka mid ah.
Haddaba waan aragnaa Umadda Soomaaliyeedna ishoodaa ayaa umacalin ah in sawirkan ku cadeenaysaan in uu yahay nin Asal iyo Isirba idinka ah oo waliba Deegaan ahaan ah Reer Caluula.
Taariikhda oo laga been sheego waxay wax udhintaa shaqsiga markaas ku andacoonaya in uu yahay Xog Ogaal amase Wariye Ruug Radaa ah oo  Dadka Soomaaliyeed ka gadaya waxaan raad raac laheyn,kana dhaadhicinaya isaga waxa uu jecel yahay amase utaamaya in ay bari unoqoto qiil amase wax lataaban karo oo Gor Gortan ku galo.Teeroow sida la yiri waxa ay horseed utahay waxaan jirin oo lagu hadlay,laakiinse laga dhigayo wax dad ay ogaayeen amase runta ka been sheegaya.
Haddii aan ka warbixiyo sarta ka dhisan Magaalada Gaalkacyo uu Teere ka warbixiyey in Odeygii Sarxaan Alnaqiib uu dhisay,Waxaan leeyahay arintaas waa been been dhaaftay oo inaba waxba aan ka jirin,Taariikhda ay dhisan tahayna Sarta Magaalada Gaalkacyo waxa uu ku tilmaamay Teera  Boqol iyo Labaatan sano  (120 sano) in uu Sarxaan iyo Nin kale ay dhiseen.Taariikhada waa sidatan Teeroow Magaalada Gaalkacyo Awoowgeey Sarxaan Al-Naqiib waxaa uu soo dagey Sanadku markuu ahaa Kun Sagaal Boqol iyo Labaatankii (1920 kii) dadiisa waxa ay aheyd markaas Boqol iyo Labiyo Toban Jir (112 sano jir),Teeroow Nin dadaas jira waxa aad usoo hadal qabsatay waa Rag iska tiiri ee ma aheyn hadalkaaga mid taariikh ku saleesaneed,Awoowgey Sarxaan Saciid Al-Naqiib Saddex sano ka dib waa uu dhin Illaahay ha unaxaiistee,Aamiin,dadiisuna waxa ay aheyd markuu dhimanayey 115 sano Jir.
Sarxaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan
Sarta Teeroow waxaa Aas aaskeeda lahaa Dala’aan,waxaana dhisay Booboole oo isaga ahaa Nin Reer Xamar Asal ahaan ka soo jeeda.Waxaan Umadda Soomaaliyeed ubayaamin Taariikhda uu soo xiganayo Maxamed Aadan Xirsi Teera in ay waxba ka jirin,waxaanse idiin cadeenayaa Odeygii awoowgey ahaa ee Sarxaan in Webside-ka  http://puntite.com in la gashaday lana sheegtay in uu yahay Nin Reer Caluula ah,taasna waxa ay cadeenaysaa in wax walba la iska sheegto iyada oo aan lagaran  karin waxa qofka oga imaan karaya meen la dhoodhoobay oo aan raad laheyn.
Teeroow haddii aad ubaahan tahay in aad Taariikhda xaqiidda ah aad ogaato amase waa la iyiri si aad oga kaaftoonto London,Egland marka aad ku laabato tag Rugta taariikhda Ingiriiska amase Roma Rugteeda Taariikhda markaas ayaad waxaad ogaanaysaa Taariikhda Runta waxa ay tahay,Teeroow taariikhda run kama sheegtaan ee waad hareer martaan.
Waxaa Qorey:Cabdishakuur Cali Sarxaan Al-Naqiib
FG: Qoraalkan waa fikirka Qoraaga ku saxiixan ee kama turjumayo fikirka Allgalgaduud Media, waxii amaan ama dhaliil ah kala xiiriir qoraha Emailkiisa alisarhanjr@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com