TOP NEWS:-Axmed Madoobe oo il gaar ah ku haaya ciidankii Goobweyn iyo cabsi soo wajahday

0

Wixii ka dambeeyay imaanshiyaha magaalada Kismaayo ciidamadii Goobweyn, waxay aad walaac ugu beertay hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe wal walkii siyaasadeed waxaa hadda ka xoog badan midka ku saabsan ciidamada DF ee Goobweyn laga soo xareeyay, waxaana baqdinta ugu daran ay tahay in isbedal yimaado.

Ilo wareedyo aynu ku kalsoonnahay ayaa sheegaaya in Axmed Madoobe uu wado qorshe balaaran oo ah in ciidamadaan la kala geeyo meelo kala duwan si aanay marnaba isku uruursan, islamarkaana ciidamada ay noqdaan kuwo kala firdhada.

Waxaa la qorsheenayaa in qaarkood loo wado dhanka degmada Afmadoow ee gobalka Jubada Hoose, halka kuwo kalena la geyn doono dhanka gobalka Gedo, halkaasi oo dagaalada Al-shabaab ay ka qeyb gali doonaan.

Dhawaan ayaa heshiis waxa uu ka dhacay deegaanka Goobweyn ee gobalka Jubada Hoose, waxaana heshiiskaasi uu ahaa mid ay garwadeen ka tahay dowladda  Federaalka Soomaaliya, IGAD iyo QM.