Top News: Dacwad Oogayaasha Dalka Finland Oo Afar Ruux Ku Eedeeyay Inay Taageereen Al Shabaab.

0

Muqdisho, AGGM: Dacwad oogayaasha dalka Finland ayaa afar Qof ku eedeeyay inay taageero dhanka maaliyaada ah siinayeen falaagada Al-shabaab ee fadhigooda uu yahay Soomaaliya.

Dacwad Ooge lagu magacaabo Elina Hypponen ayaa wakaalada wararka “AP”, u sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo dad aragagixiso lagu soo eedeeyay dacwad lagula soo oogo dalka Finland.

Waxay sheegtay in eedeysanayaasha wali si rasmi ah loo kala cadeyn inay maalgelinayeen Al-shabaab,iyadoo hadalkeeda intaasi raacisay inay baaritaano socdaan.

Mid ka mid ah afartaan Qof ee gacanta ku dhigtay Dowlada Finland ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dadaalo lagu doonayay in dagaalyahano loogu abuuro Al-shabaab ama loo qoro.

Dacwad Oogayaasha ayaa sheegay in gabi ahaanba iska diideen eedeysanayaasha dacwad lagu soo oogay.waxaana la sheegay in hadii lagu helo eedeynta afartan Qof inay wajihi doonaan 8-sano oo xabsi ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com