Top News: Degmada Balanballe Oo Loo Dhisayo Golle Guurti Oo Rasmi Ah…

0

Balanballe, AGGM:Shir lagu soo dhisayo xubnaha matalaya Golaha Guurtida ee degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa maanta odayaasha dhaqanka uga furmay deegaankaas.

Guddoomiye ku-xikeenka maamulka degmada Balanballe, Maxamuud Maxamed Cabdi oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in shirka looga golleeyahay sidii ay odaasha dhaqanka u soo dhisi lahaayeen Gole Guurti oo ay ku mideysan yihiin.

Wuxuu xusay inuu degmada ka jiray Golle Guurti oo kumeel-gaar ah, kaas oo uu waqtigiisii dhamaaday, wuxuuna tilmaamay inay hadda dhisayaan Gole leh hoggaan mideysan.

Isku soo wada duuboo Maxamuud Maxamed Cabdi ayaa odayaasha ku boorriyay inay soo dhisaan Gole ka shaqeeya nabadeynta, is-dhexgalka bulshada iyo horumarinta deegaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com