Top News: Gen. Cabdi Qeybdiid “Saddex Cisho Waa Ay Ii Suura Geli La’dahay Inaan Galkacyo Diyaarad Ku Tago”.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay warqad cabasho ah ay u direen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo ay kaga cabanayaan xayiraad Maamulka Puntland uu ku soo rogay garoon diyaaradeed dhowaan laga furay Koofurta Galkacyo.

Jen. Cabdi Qeybdiid oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da sheegay in saddex cisho ay u suura geli la’dahay inuu Galkacyo diyaarad ku tago, kadib markii diyaaradihii geyn lahaa ay Puntland u digtay.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku hanjabay hadii muddo saddex cisho ay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ay jawaab kaga heli waayaan ay shacabka Puntland qaadan doonaan go’aankooda.

“Warqad cabasho ah oo aan kaga dacwooneyno xayiraad Maamulka Puntland uu ku soo rogay garoonka diyaaradaha Galmudug oo ah garoon aan dhowaan furanay oo ku yaal Koofurta Galkacyo meel 10-KM u jira magaalada ayaa Puntland ay diiday inay wax diyaarad ah ku soo degto, waxaan dowladda ka codsanay inay saddex cisho noogu soo jawaabto”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Mar la weydiiyay sababta ay garoon diyaaradeed oo gaar ah u sameysteen ayuu ku tilmaamay in dhibaatooyin badan oo lagu qabay garoonkii diyaaradaha Qaranka lahaa laheyd oo ay gacanta ku heyso Puntland iyo marar badan oo ay falal amni dari ka dhaceen darteed ay u sameysteen garoon diyaaradeed, kadib markii ay tashadeen ganacsatada iyo dadka reer Galmudug.

Sidoo kale Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in arrintan uu kala hadlay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, si xayiraada looga qaado garoonka diyaaradaha ay sameysteen, si ay diyaaradaha ugu degaan, hase ahaatee aanay arrintaas waxba ka qaban sida uu yiri.

“Dadka magaalada Galkacyo ku nool waxay rabaan in si madax banaan cid walba garoonkee rabto haka degto, hana ka dhoofto, labo Air Por oo hal degmo ku yaal in hal dhinac laga xukumo suurta gal ma noqoneyso, xayiraada ay saareen haka noqdaan”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid

Magaalada Galkacyo ayaa u qeybsan labo qeyb oo Koofur iyo Waqooyi, waxaana kala maamula Puntland iyo Galmudug, waxaana labada dhinac horay u dhex maray colaado, kaasoo markii dambe heshiis laga gaaray.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan cabashadan ka soo yeertay Madaxweynaha Galmudug, iyadoo arrintan ay ku soo aadeyso, iyadoo Puntland ay ku gacan seyrtay maamul loo sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com