Top News: Gudiga Nabadda Iyo Midnimada Qurbajoogta Jubba Oo Soo Dhaweeyay Shirka Midnimo One Ee Garbahaarey.

0

Muqdisho, AGGM: Gudiga Nabadda iyo Midnimada Qurbajoogta Jubba oo soo dhaweeyay shirka Midnimo 1 ee dhawaan ka furmaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha Gudiga Nabadda iyo Midnimada Qurbajoogta Jubba Axmed Maxamuud Cabdisalaan (Axmed Mini) oo la hadlayay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in mudo ku dhow sideed bilood lagu guda jiray qaban qaabada shirka Midnimo One ee magaalada Garbahaarey aadna loogu hanween yahay in uu noqdo mid ay kasoo baxdo natiijo lagu farxo.

Sidoo kale Gudoomiye Axmed Maxamuud Cabdisalaan (Axmed Mini) ayaa waxa uu sheegay in Qurbajoogta Jubba shirka ka furmaya magaalada Garbahaarey ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba ayna isugu abaabuleen si aan la maleen karin, Islamarkaasna ay socdaan kulamo isdaba joog ah oo looga arisanayo sidii bulshada ay isu garab taagi lahayd shirka Midnimo One.

Dhinaca kale Gudoomiye Axmed Mini ayaa waxa uu baaq u diray Gudiga qaban qaabada Shirka Midnimo One ee gudaha Soomaaliya inay ka fogaadaan wax alle waxii keeni kara xasaasiyad iyo kala fogaansho, Islamarkaana waxa uu ammaan u jeediyay ganacsatada iyo siyaasiyiinta kasoo shaqeeyay qabsoomida shirka Midnimo One…

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya taageerada baahsan ee loo hayo iyo rajada laga qabo Shirka Midnimo One ay kasoo baxaan guulo siyaasadeed oo wax ku ool ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com