TOP NEWS:- Hogaamiyaha Golaha N&H Jubbooyinka Col. Bare Hiiraale Oo ku wajahan magaalada Kismaayo iyo Shirkii Kismaayo oo fashilmay

0

Muqdisho, AGGM:Warar ay helayso warbaahinta Allgadauud ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay haatan ku qancinayso Hogaamiyaha Golaha Nabada Iyo Horumarinta Jubbooyinka Col. Bare Hiiraale inuu dib ugu laabto magaalada Kismaayo si uu kaga qaybgalo shirka halkaasi Madaxweyne Xasan Ka furay balse waqtigan xaadirka ah u eg inuu fashilmay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Col. Bare uu ka aqbalay arintaasi xubnaha beesha caalamka ee wada lagana yaabo maalmaha dhow inay tagaan magaalada Kismaayo.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo shirkii Kismaayo uu fashilmay ka dib markii qaar badan oo ka mid ah ergooyinkii la casuumay ay diideen inay yimaadaan magaalada Kismaayo.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa dadaal badan ugu jira sidii ergooyinka gobalka Gedo oo diiday inay yimaadan shirkaan uu kaga dhaadhacsiin lahaa ka soo qaybgalka shirka kismaayo.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com