Dhageyso: Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Furmaya Maalinta Sabtida Soo Socota.

0

Muqdisho, AGGM: Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho Sabtida soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay Sebteembar 20.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dhammaaday fasaxii ay ku maqnaayeen mudaneyaasha, isagoo xusay in inta badan xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka ay joogaan dalka, ayna u diyaargaroobeen kalfadhiga shanaad.

Cawad ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo beryihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo, uu maanta ku noqon doono magaalada Muqdisho.

Muddadii ay fasaxa ku maqnaayeen, xildhibaannada waxay dalka dibaddiisa ku soo qaateen tababarro ay ugu diyaargaroobayeen kalfadhiga shanaad, sida uu sheegay Cawad.

Wuxuu tilmaamay in golaha shacabka iyo xukuumaddu ay gaareen is-fahan ku dhisan shuruucda iyo hay’adaha la dhisi doono. Baarlamaanka ayuu sheegay inay hor yaallaan howlo badan oo u baahan inay xildhibaannadu wajahaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com