Top News: Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Gobollada Dhexe U Dalabay Gargaar.

0

Caabudwaaq, AGGM:Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa hay’adaha samafalka ku guubaabisay inay gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah la gaaraan dadka ay abaarta saameysay ee ku dhibaateysan Gobollada dhexe.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada dhexe, Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay inay liidato xaaladda nololeed ee dadka reer miyiga ah.

Wuxuu tilmaamay inay cilladoobeen inta badan ceelashii ay biyaha ka cabi jireen dadka reer miyiga ah, isagoo xaqiijiyay in deegaannada qaar fuustada biyaha ah lagu kala iibsanayo lacag gaaraysa 200,000 oo shilin Soomaali ah.

Dadka oo intooda badan ku xoolo beelay abaarta ayuu xusay inaysan awoodi karin inay biyo iibsadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com