TOP NEWS:- R/wasaarihii hore ee Talyaaniga oo sir badda SOMALIA ku saabsan shaaciyey

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga, marna soo noqday Wasiirka arrimaha dibada, Massimo D’Alema ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad Talyaani ah ay heshiis lagu boobayo xeebaha Somalia la gasho dowladda Kenya, iyadoo taasina uu ku tilmaamay inay meel ku dhac ku tahayTalyaaniga oo ku lug lahaado boobka xeebaha Somalia, halka looga baahnaa inuu noqdo saaxiib dhab ah.

Masssimo D’Alema oo ka qeybgalayey dood ay soo qaban qaabisay Safaaradda Ingiriiska ee Roma uu ku dhaliilay shirkadda Batroolka ENI oo ah shirkadda ugu weyn shirkadaha Batroolka Talyaaniga in heshiiska ay kula gashay Kenya in ay shidaal ka baarto Soomaaliya inuu yahay heshiis aan ku qumaneyn shirkad Talyaani, wuxuuna xusay in Talyaaniga & Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

D’ALEMA INDAGATO DA PROCURA ROMA SU APPALTI ENACWuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda tahay dal ka soo kabanaya muddo ka badan 20 sanno oo burbur iyo dhibaato ah, waxaana uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Talyaaniga ay ku lug yeeshaan boobka loo geysanayo Soomaaliya, xilli Soomaaliya ay u baahan tahay saaxiib dhab ah oo danahooda difaaca.

“Talyaanigu halkii laga filanayey inuu noqdo dalka ugu horreeya ee daafacaya Soomaaliya oo ah dal xiriir qoto dheer uu kala dhexeeyo, Talyaaniga wuxuu noqday dalkii uu horreeyey ee gadaal ka riixaya heshiis lagu dhacayey badda Soomaaliya, haddii aan ka mid ahaan lahaa masśuliyiinta Dowladda hadda jirta waxaan amar ku siin lahaa shirkadda heshiiska kula gashay Kenya in ay ka baxdo heshiiskaasi” Ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Talyaaniga D’Alema.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan ku taqasusay cilmiga Jugraafiga ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan ay ka jirto Dowlad taag darran, tilmaamayna in aysan ku habooneyn in ay dacwad ka furto arrinta badda, sababtuna ay tahay in xaaladda adag looga faa’ideysan karto.

Tan & markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay dacwad geysay Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICJ, waxaa soo badanayay dareenka ay arrintaasi ka bixinayaan Siyaasiyiin Soomaali ah, Aqoonyahanno iyo Madax adduunka ka tirsan.