Top News: Shir Looga Hadlayo Ammaanka Soomaaliya Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada London Ee Dalka UK…

0

London, AGGM: Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmayo kulan looga hadlayo amaanka dalka iyo taageerada la siinayo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ee shirka ka qaybgalaya ayaa sheegay in shirka ay ka qaybgeli doonaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe). Isaaoo xusay inuu kulanku ka dhici doono xarunta Lancaster House.

“Ujeedka kulanka amniga Somalia ee lagu qabanayo London maanta waxaa ka mid ah in la hubiyo in dalalka deeqaha siiya Soomaaliya ay kordhiyaan taageeradooda ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan soo celinta amniga guud ee waddanka. Dowladdu waxay shirka hordhigi doontaa qorshayaasha ku aaddan sidii loogu dhisi lahaa ciidmada, isla markaana loo mideyn lahaa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, Dhuxuloow ayaa sheegay in iyadoo la dhowrayo nidaamka cuno-qabateynta hubka iyo ilaalinta xaquuqul insaanka. Isgoo xusy in kulankan ay ka filayaan inay kasoo baxaan go’aanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la isku raaco qorshaha horumarinta ee ciidamada xoogga dalka tan iyo 2019-ka, in deeq bixiyeyaasha ay caddeeyaan dadaalkooda taageerada ciidamada xoogga dalka iyo in Soomaaliya iyo Britain ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dabo-geli lahaa ballanqaadyada la sameeyo.

“Waxaa kaloo ka fileynaa in kulankan in dalalka deeqaha bixiya ay kulanka ka shegayaan deeqaha ay u qoondeeyeen ama u ballan-qaadeen dhismaha iyo tayeynta ciidamada xooggad dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Dhuxulow.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah amaan ugu jeediyay Dowlada UK doorkeeda ku aadan ka qeyb qaadashada hormarka ka socda dalka Soomaaliya ee dib loogu soo celinyo nidaamkii iyo kala danbeyntii horay dalka uga jiray.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com