Top News: Shirkii Kismaayo Oo Gabi Ahaan Istaagay Iyo Beesha Caalamka Iyo Qaar Kamid Ah Ergadi Oo Ka Biyo Diiday Qaabka Loo Wajahay..

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in shirkii Axmed Madoobe ee Kismaayo u wali hakad ku jiro.

Wararku waxaay intaasi ku darayaan in Beesha Calamka ay Axmed Madoobe ku amreen in shirka la hakiyo inta xal laga gaarayo khilaafka labada dhinac hadi kale aysan wax dhaqaale ah ku bixinayn.

Sido kale beesha Calamka waxaay Axmed Madoobe uu shegeen in Shirka Kismaayo aan lo aqoonsan doonin shirweynaha Nabada Gobolada Jubboyinka ilaa shirkaasi ay ku soo biiraan garabka ka soo horjeeda Axmed Madoobe ee Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka.

Dhanka kale Gudi uu Axmed Madoobe magacaabay laguna sheegay in ay yihiin gudiga dib u heshisiinta ayaa ayaguna magaalada dhex wareegaya waxaayna hotelada kismaayo kulamo kula yeelanayaan odayasha beelaha diidan in ay soo fadhistan madasha Shirka.

Horay shirkan waxaa u qaadacay Isbahaysiga  Golaha Nabadda Iyo Horumarinta Jubba ee uu hogaamiyo Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiirale) kaas oo sheegay in waxa Kismaayo ka soconaya ay yihiin kuwo lagu marin habaabinayo rabitaanka shacabka islamarkaana ay caqabad  ku noqon doonto haddii ay sii socoto  geedi socodka Nabadda gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale qaar badan oo kamid ahaa Ergada ayaa kasoo horjeesatay qaabka lagu bilaabay shirkan iyo habdhaqanka Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe waxa ayna u xaqiijiyay Warbaahinta in dhowaan ay magaalada Garbahaareey ku qaban doonaan shir wayne ay uga tashanayaan arimo badan iyo qaabki loo wajihi lahaa kooxxaha caqabada ku ah Geedi socodka Nabadda Gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duubo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo kooxaha tirada ayr ee taageersan ayaa bulashada Caalamka iyo kuwa Soomalida ee samaha jecel ku hor kufay, ka dib markii ay yiraahdeen waxaan shirweyne dib u heshisiin u qabanayaa garabyada na taageersan taas oo aan ahayn mid caqli saliim ah kasoo yeera indhaha iyo dhagaha Caalamka iyo Soomaalidaba-na aysan  aqbali karin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com