Top News: Siyaasi Maxamed Cumar Saciid “R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Cadowga Ummada Soomaaliyeed Ayuu U Shaqeeyaa”.

0

Muqdisho, AGGM:Siyaasi Maxamed Cumar Saciid oo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska la hadlay mid kamid ah Warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu ku eedeeyay R/wasaaraha Xukuumdada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiwali Sheekh Axmed in uu Cadowlga Ummada Soomaaliyeed u shaqeeyo.

Aqoonyahan Maxamed Cumar Saciid ayaa waxa uu sheegay in R/wasaaraha Xukuumdada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiwali Sheekh Axmed uu yahay nin u shaqeeya dowladdaha deriska la ah Soomaaliya amarkana uu ka qaato safaaradahooda ku yaala magaalada Muqdisho, Dalki iyo Dadkii Soomalaiyeed-na uu ku riday ceel dheer oo mugdi ah.

“Waxaan Ummada Soomaaliyeed u sheegayaa in maanta uu cadowgooda koowaad uu yahay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed unna shaqeeyo dowladdaha deriska ah ee ku qamaamaya Badda iyo Bariga Soomaaliya, waana inay kacaan oo ay iska qabtaan cadowga iyo cadow kalkaalka dalkayaga kusoo duulay”. waa sida uu u yiri hadalka Siyaasi Maxamed Cumar Saciid…

Ma, ahan wax sahlan in Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyo inuu u shaqeeyo dowladdo kale balse eedeeymahan ayaa waxa ay noqdeen kuwo soo noqnoqanayay 24-kii sano ee lasoo dhaafay qaar badan oo kamid ahaa eedeymahaas-na waxa ay noqdeen kuwo xaqiiqo ahaa oo aan waxba laga qaban.

Isku soo wada duuboo Ma ahan marki ugu horeysay oo Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu eedeeyo inuu u shaqeeyo dowladdaha deriska la ah Soomaaliya, balse arintan ayaa waxa ay caado ka dhex noqotay amaba noqotay waxay isugu faanaan amaba isugu hanjabaan Mas’uuliyiinta Sare iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay xiriir dhow la leeyihiin dowladdaha deriska la ah Soomaaliya iyo dowladdo kale.

sawirka maanta
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com