TOP NEWS:- Tuuryare oo loo magacaabay Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galabta magacaabay Ninka ugu sareeya Hey”adda Sirdoonka Qaranka oo horey looga qaaday Sambaloolshe.

Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo caan ku ahaa dilalka Mileeshiyaadka Al-Shabaab.

Tuuryare, ayaa hadda ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo uu horey uga soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida, ka hor inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

C/raxmaan Tuuryare, ayaa sidoo kale ah shaqsi Xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaacaabida Tuuryare waxay ka dambeysay markii maanta uu Madaxweynuhu aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiiradu ay ku sameeyeen Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu Taliyaha Nabad Suggida Qaranka u magacaabay C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa lagu wadaa in Warbaahinta si rasmi ah loogu bayaaniyo magacaabida Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Ka hor inta aan la magacaabin Tuuryare, ayaa waxaa sidoo kale la hadalhaayay in jegadaasi loo magacaabi doono Fahad Yaasiin oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha, kuna heyb ah Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.