Top News: Xawaalada Dahabshiil $ 50,000 Oo Doolar ugu deeqday dhibbaneyaasha abaarta Beled-Xaawo.

0

Balad Xaawo, AGGM: Shirkadda xawaaladda Dahabshiil ayaa lacag ugu deeqday dadka ku nool deegaannada miyiga ee degmada Beled-xaawo ee ay saamaysay abaarta, taas oo loo sii marsiiyay guddiga abaaraha ee degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ganacsatada degmada Beled-xaawo, kana mid ah guddiga abaaraha ee degmada Cabdi Xuseen Jooge, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay ku deeqday lacag dhan 50,000 USD, si gargaar deg-deg ah ay u helaan dadka u baahan.

Cabdi ayaa sheegay in guddiga abaaraha ee degmada ay ka mahad-celinayaan deeqda, isla markaana ay sidii loogu talo galay gargaar ugu gaarsiinayaan dadka ku nool deegaannada miyiga degmada Beled-xaawo.

Wuxuu tilmaamay in gargaarka ugu horreeya ay maanta gaarsiinayaan dadka ku nool tuulooyinka Gaddoon-dhowe, Qadiijo-xaaji, Qaniinyaale, Hareeri-tuur iyo deegaanno kale oo ku yaalla baadiyaha fog ee hoos taga degmada Beled-xaawo.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha ee degmada Beled-xaawo Cabdiraxmaan Madey Maxamuud, ayaa ka codsaday shirkadaha kale iyo jaaliyada dibadda in ay ka qeyb qaataan dedaallada loogu gurmanayo dadka ay abaartu saamaysay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com