TOP NEWS:- Xiisada u dhaxeysa Xasan & C/Weli oo keentay in C/W uu bixiyo amar yaab leh

0

Waxaa soo xoogeysanaaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Somalia, iyadoo saamayn weyn ay ku yeelatay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somalia, kuwaasoo la kala saftay masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda.

Xilli ku dhawaad 100 oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay hoteelada Magaalada Muqdisho ku karkarinayaan mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Somalia Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu culeys ka soo fuulay dhinaca Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu la kulmay tiro ka mid ah Wasiirada lala xiriiriyo Ra’iisal Wasaaraha, taasoo keentay in Ra’iisal Wasaaruhu uu ka boodo, isla-markaana uu hakad geliyo shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii dhici lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu siyaabooyin kala gedisan ula kulmay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed.

Wasiiradaan oo qayb ka ah xubnihii soo eedeeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kana dambeysay in shaqada laga eryo, ayaa wuxuu Madaxweynuhu ku eedeeyay in wax aanu ogayn ay ku dhaqaaqeen, isla-markaana uu ka xun yahay inay gacan bidixeeyaan

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa ku waramaya in Wasiiradu ay cudurdaar ka bixiyeen wixii dhacay, isla-markaana ay Madaxweynaha Somaliya kala tashan doonaan doorkooda ku aadan Golaha Wasiirada, kolka ay noqoto wax go’aaminta.

Ra’iisal Wasaaraha oo hakiyay shirkii Golaha Wasiirada

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho ku jooggo Magaalada London, ayaa dorraad waxa uu la soo xiriiray Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta anshax dhowrista, wuxuuna ku wargeliyay inaanay kulmi karin Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada oo isu soo diyaariyay inay ka qaybgalaan fadhigoodii Khamiislaha ahaa, ayaa waxaa loo sheegay inaanu wax kulan ah jirin, isla-markaana ay fasax yihiin, dibna ula midoobaan qoysaskooda ilaa Sabtida.

Sida caadada ahba Golaha Wasiiradu waxay ku kulmaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, waana taa midda keentay in ay dib u celiso qaybta anshax dhowrista, xilli ay isu soo duba rido kal fadhiyada Golaha Wasiirada.

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay in wax kasta oo ka dhaca Madaxtooyada Somaliya, ay xogtoodu si buuxdo u helaan xafiisyada

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaana kuu muuqaneyso in macluumaadka ay u helaan qaab hoos isu waran ah.

Xurgufta u dhaxeyso Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa xilligaan si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dadka qaar hadalhayaan, waxna iska weydiinayaan khilaafaadka soo noq noqday ee ku aadan, in Madaxweyne kasta ay is qabtaan Ra’iisal Wasaarihiisa.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu soo gaba gabeen doona socdaalka uu ku jooggo Boqortooyada Britain, dibna uu ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho si uu kaga hortaggo hujuumka kaga imaanaaya garabka Madaxweynaha.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu heysto dhaqaalo in ku filan ah, haddii ay noqoto mooshin laga geeyo Baarlamaanka, si lacagtaasi uu ugu adeegsado Xildhibaanada difaaceysa.

Ugu dambeen khilaafka Madaxda waxa uu cirka isu shareeray, markii xilka laga xayuubiyay Sanbaloolshe, ayna soo baxeen warar sheegaaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu shaqada ka eryi doono Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), xillil xanaasad lagu soo eedeeyay.