Top News: Xildhibaano Si Cad Uga Soo Horjeestay Shir Ku Sheega Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaanadaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyeen ka soo jeeda Gobalada Baay iyo Bakool ayaa Maanta kulan Deg deg ah ku qaatay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Kulankaan ayeey kaga soo horjeesteen Shirka Maanta Madaxweynaha uu ka furay Magaalada kismaayo iyagoona ku tilmaamay madaxweynaha in uu la saftay qabiil ka mid ah qabaa’ilka daga Jubooyinka iyo Gedo.

Xildhibaanada Maanta ugu Cad Cadaa ragii kulanka iskugu yimid ayaa Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxmed ibraahin Xaabsade iyo Xildhibaan Max’med Xuseen Afaraale.kuwaas oo raacsan maamulka lixda Gobal, iyagoona sheegay in xaqa dadka daga Gobalada koonfur galbeed in uu si gaar ah ugu tagri falaayo Axmed Madoowe oo garab ka helaya Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Kenya.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen shirka kismaayo ka furmay Wixii ka soo baxa in aysan aqoonsan doonin.

Kulankan Xilibaanada iyo siyaasiyeenta ka soo jeeda Baay iyo Bakool ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh uu kismaayo ka furay shir loogu magacdaray dib u heshiisiinta dadka daga Gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com