Top News:Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Tuulada Baar Ee Gobolka Hiiraan..

0

Baladweyne, AGGM: Ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaa hor leh oo ku yaalla galbeedka Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka, Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada is kaashanaya ay la wareegeen gacan ku haynta tuulada Baar oo 30 km u jirta Baladweyne. Tuulada Baar waxaa horey ugu sugnaa dagaalyahannada Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sheegay in dagaalyahannadii Al-Shabaab ee ku sugnaa tuulada ay carareen, ciidankana ay halkaas la wareegeen iyadoo uusan dhicin wax dagaal.

Wuxuu sheegay inuu howlgalka sii socon doono tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo deegaannada ay wali uga sugan tahay gobolka.

Ciidanka qabsaday tuulada Baar ayaa ka soo ruqaansaday tuulo lagu magacaabo Ceel-cadde oo 60 km galbeedka Baladweyne ayaa lagu soo warramayaa inay ku wajahan yihiin deegaan kale oo lagu magacaabo Ceel-Cali, kaas oo 70 km u jirta degmada Beledweyne.

Howlgalka ay ciidanka ku qabsadeen tuulada Baar ayaa qeyb ka ah howlgalka ballaaran ee loo bixiyay ‘Badweynta Hindiya’, kaas oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com