Top News:Dadka Ku Dhaqan Magaalada Garbahaarey Oo Diyaar Garoobay Soo Dhaweynta Ergooyinka Shirka MIDNIMO ONE Ee Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku dhaqan magaalada ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta wufuuda ka qaybgalaya shirka MIDNIMO ONE.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku dayaraayaa in maanta magaaladaas laga sugayay wufuud ka kala imaanaysa magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Maxamed Saciid Guuleed oo ku sugan gudaha magaalada Garbahaarey oo u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay “Walaale runtii aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in magaalada uu ka dhaco shirka MIDNIMO ONE ee Beesha Sade, waxaana u diyaar garoownay inaan soo dhaweeyno dhamaan Walaalaheen si ay uga tashadaan aayahooda, Midnimada beesha Sade-na waa muqadas, shirkan ayaana lagu xalin doonaa waxii qilaaf ah oo jira dhan walba”.

Dhinaca kale mid kamid ah ergada kusoo wajahan magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay “Looma kala harin dadkeena jooga magaalada Muqdisho dhamaantayo diyaar ayaan nahay Insha Allah-na waa tageynaa shirka”.

Isku soo wada duuboo shirka MIDNIMO ONE ayaa waxa uu noqonayaa mid ay kasoo baxaan Qodobo farxad galiya dhamaan Sade iyo Soomaali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com