Top News:Shirkii Kismaayo Oo Istaagay, Salagle Oo Degmo Loo Aqoonsan Yahay, Buurdhuubo Iyo Ceel-cade Oo Loo Diiday Inay Degmooyin Yihiin.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu istaagay shirkii lagu sheegay inuu yahay shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Jubbooyinka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirka uu u istaagay kadib markii ergooyinka hadda ka qayb galayay shirka laga ceshtay kaararkii ay ku galayeen shirka.

Kaararka lagu galayo shirka in dib looga aruuriyo ergooyinka ayaa waxaa sabab u ah in si cad loogu sheegay Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu shirka u socdo garab kamid ah garabyada isku haya Jubbooyinka sidaa awgeedna aysan UN-ka iyo beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya aysan dhaqaale ku bixin doonin Shirka iminka ka socday maalmihi lasoo dhaafay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar kamid ah maleeshiyada Raaskambooni oo loo xiray dhar shacab ay kamid ahaayeen ergooyinka oo ay askarta AMISOM ka kala eryeen hoolka shirka kadib markii ergooyinka dacwad ka gudbiyeen.

Dhinaca kale ergada shirkan ka qeyb galaysay ayaa waxaa lagu qeybsaday Degmo iyo deegaan ahaan waxaana lasoo sheegayaan in deegaanka Salagle loo aqoonsaday inay tahay Degmo Ergana la siiyay halka loo diiday in ay yihiin degmooyin Buurdhuubo iyo Ceel Cade oo ahaa Degmooyin soo jireen.

Isku soo wada duuboo jahwareerinta dadka iyo hurinta colaada gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa si toos ah u hurinaya Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ka shiidaal qaadanaya Madaxda dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com