War Deg Deg Ah: Wafdi ka qaybgalaya shirka Garbahaaray oo goordhow lagu wado inay ka duulaan magaalada Muqdisho

0

Muqdisho, AGGM:Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka anbabaxaan wafdi ka qaybgalaya shirka beesha Sade ee ka furmaya magaalada garbahaaray ee gobalka Gedo.

Wafdigaan oo ay ka midyihiin xubno ka tirsan dowlada odoyaal iyo siyaasiyiin ayaa isku diyaarinaya safarkaan.

Wariyaha warbaahinta Allgalgaduud Muuxudiin Macalin Cabdulle oo ka mid ah suxufiyiinta lagu casuumay shirka Garbahaaray ayaa sheegaya in goordhow ay u duuli doonaan gobalka Gedo.

Shirkaan ayaa ah mid ay aayahooda kaga tashanayaan beesha Sade, waxaana qaban qaabadiisa ay socotaa in mudo ah.

WARBAAHINTA ALLGALGADUUD ayaa si toos ah in kugu soo gudbindoonta macluumaadka shirkaan.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com