WAR CUSUB:- Duqeyntii Mareekanka ee Sh/hoose oo la sheegayo in lala eegtay saraakiil uu ka mid yahay Axmed Godane

0

Duqeyn dhinaca cirka ah, ayaa waxay xalay ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lala beegsaday goob ay kulan ku lahaayeen Madaxda Ururka Al Shabaab, oo sida la sheegay ka wada hadlaayay hawlgalada ka dhanka ah ee dalka ka soconaayo.

Diyaarad Drone ah, ayaa gantaalo la beegsatay inta u dhaxeyso Dhaay Tubaako iyo Hawaay, oo ah halka uu ku dhamaado Webiga Shabelle, waxaana jugta gantaalaha laga maqlay meelo fog fog.

Dadka ku dhaqan deegaanka Hawaay, ayaa waxay sheegeen in xalay oo dhan ay maqlayeen jug aad u xoogan, iyagoo tilmaamay in ilaa 8 gantaalo ay ku soo dhaceen halkii uu bartilmaameydku ku wajahnaa.

Warbaahinta CNN ee Mareykanka, ayaa waxay baahisay in duqeyntu uu ka masuul ahaa Mareykanka, isla-markaana ay u muuqatay mid cid gaar ah ku wajahneyd, balse maynaan sheegin cidda loola jeeday.

Afhayeenka Waaxda Difaaca ee Mareykanka John Kirby, ayaa waxa uu War Saxaafadeed ku xaqiijiyay in diyaaradaha Mareykanka, ay duqeymo ka geysten Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Afhayeenka, ayaa sheegay in ay dersi doonaan khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray, ka hor inta aynaan horudhac ku samayn waxyeelada ka soo gaartay mintidiinta.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Somaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa waxa uu sheegay in duqeynta lala eegtay xubno uu ka mid yahay Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), balse isu magacaabay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay ragga kale ee loo maleynaayo inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay, ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, Sheekh Maxamed Dulyadeen, Xuseen Dheere iyo xubno kaloo Ajaaniib ah, oo uu magacyadoodu ku soo kala koobay Abuu Ayman iyo Abuu Nasiis.

C/qaadir Maxamed Nuur oo u waramay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku waramaaya in Dowladaha saxibada la ah Somaliya, oo uu ugu horeeyo Mareykanka, in uu ka caawiyay duqeynta ka dhanka ah Madaxda Shabaabka, xilli ay ka shirayeen hawlgalada ka soconaayo dalka, sida uu yiri.

Siidii, ayaa ku waramaaya in uu jiro khasaaro Madaxda Shabaabka ka soo gaaray duqeynta, ha yeeshee aynaan xilligaan hayn faah faahin badan oo ku aadan, balse ay shir jaraa’id qaban doonaan, kagana hadli doonaan, sida uu yiri.

Al Shabaab, ayaan iyadu ka hadlin duqeynta xagga cirka ah ee lala beegsaday Madaxdeeda.