War Cusub+Daawo: Agaasimihi Xilka Laga Qaaday Ee Hay’adda Nabad Sugidda Sanbaloolshe Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa .

0

Muqdisho, AGGM:Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdilaahi Sanbaloolshe ayaa waraysi uu siiyey Tv-ga Universal Wuxuu shaaca uga qaaday arimo badan oo Qarsoonaa, Kuwaasi oo la Xidhiidha Xilka Qaadistii lagu sameeyay.

Wuxuu sheegay inay Xilka qaadistiisu ahayd mid Lagu deg degay, Wuxuna ka sheekeeyay waxyaabaha uu qabtay, Wuxuu sheegay inay Jiraan dad aan doonayn Inay muqdisho kusoo noqoto Caasimadii umada Soomaaliyeed kuwaasi oo ka xumaaday Howlgalada uu ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Geesta kale Cabdulaahi Sanbaloolshe ayaa wuxuu sheegay inuu qayb ka ahaa dilkii Axmed Godane, Haatana uu ku howlahaan Qabsashada magaalada Baraawe, Wuxuuna sheegay in Xilka qaadistiisa dhabarka Looga Jabinayey Howlahaasi uu hayey.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com