Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Lagala Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanada Wabxo Iyo Jacar Ee Gobolka Galguduud.

0

Ceel-buur, AGGM: Wararka ka imaanaya Gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in Al Shabaab lagala wareegay deegaano hor leh oo gobolkaasi ay ka ariminayeen Sanadihii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha Degmada Ceel buur ee Maamulka Dawlada Somaliya Nuur Xasan Guutaale ayaa waxa uu sheegay inay ciidanka dawlada iyo kuwa AMISOM ay maanta la wareegeen deegaanada Waxbo iyo Jacar oo Ceel buur hoostaga.

Gudoomiye Guutaale ayaa sheegay inay ciidankooda diyaar uyihiin sidii Al Shabaab looga sifeyn lahaa qeybaha ay kaga sugan yihiin gobolka G/gaduud.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Deegaanada ay ciidanka Huwanta ay maanta la wareegeen iyadoona lasoo sheegayo in Shabaab ay kol hore isaga baxeen Wabxo iyo Jacar inta aysan ciidanku gaarin halkaasi.

Weli ma jirto hadal kasoo baxay Al Shabaab dhinacooda ay uga warbixinayaan waxyaabaha keenay inay iskaga baxaan Deegaanadaasi oo hadda Dawlada Somaliya ay gacanta ku dhigtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com