War Deg Deg Ah: Horjoogeyaal Ka Tirsan Maleeshiyada Raaskambooni Oo Maanta Gaaray Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

0

Doolow, AGGM:Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Horjooge Cabdirashiid Janan, Xasan Garbahaarey iyo Canjeex Buule Galeey oo dhamaantood ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay soo gaareen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Horjoogeyaashan ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay u yimaadeen degmada Doolow sidii ay u carqaladeen lahaayeen shirka MIDNIMO 1 ee dhawaan ka furmaya magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo.

Horjooge Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu u xusul duubaa amaba u yahay adeege Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Horjoogeyaashan maanta Gaaray degmada Doolow ayaa waxa ay u tageen degmadaasi sidii ay uga abaabuli lahayen weeraro ka dhan magaalooyinka Garbhaarey iyo Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale horjoogeyaashan ayaa waxa ay si toos ah uga amar qaataan R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeeysay ee uu Horjooge Cabdirashiid Janan weeraro iyo colaado sokeeye ka abaabulo gobolka Gedo ee balse waxa ay u noqotay shaqo uu in mudo ah ku macaashayay ayna jirin cid iska celisa ama wax ka qabata..
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com