War Deg Deg Ah: Maxamed Cabdi Kaliil Iyo Kooxdi Bacmadoow Oo Shirkii Kismaayo Isaga Baxay.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Cabdi Kaliil iyo kooxdi bacmadoow ay isaga soo abxeen shir ku sheegi maanta ay kooxaha gaarka ah ku lahaayeen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in muran uu ka dhashay qaabka uu u socdo shirkaasi been abuurka ah.

Maxamed Cabdi Kaliil iyo kooxda bacmadow ayaa hadda waxaa shir gaar ah uga socdaa Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo shirkan ayaa waxa uu yahay mid kusoo dhamaanaya gabi ahaanti fashil iyo fadeexad maadaama aysanba goobta shirka ku sugnayn garabyadi isku hayay gobolada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com