War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha GNM Jubbooyinka Col. Bare Hiraale Iyo U Qeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar Oo Muqdisho..

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in iminka shir albaabada u xiran uu uga socdo magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubbooyinka Col Bare Hiraale Iyo u qeybsanaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirkan u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubbooyinka Col Bare Hiraale Iyo Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo  uu hogaaminayay u qeybsanaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar ayaa looga hadlayay Arrimaha sii cakirmaya ee gobolada Jubbooyinka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Filo Sawirada Dhawaan….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com