War Deg Deg Ah:Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour Oo Sheegtay Inaan Shirka Kismaayo Loo Dhameyn.

0

Kismaayo, AGGM:Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour ayaa waxa ay ka dhex sheegtay shirka garabka kaliya uu Madaxweyne Xasan Sheekh Uga furay magaalada Kismaayo in aysan u dhameen dhinacyadi isku hayay gobolada Jubbooyinka.

Fatiha Serour ayaa waxa ay si cad madasha shirka uu goobjooga ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud uga sheegtay in shirka ay ka maqan yihiin dhamaan garabyadi kasoo horjeeday Maleeshiyada Raaskambooni.

Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour ayaa shirkan waxa ay ugA qeeybgasshay si ay indhaheeda ugu soo aragto waxa uu horboodayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka socda magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa in saacadaha soo socda warsaxaafadeed laga soo saaro xarunta Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com