War Naxdin Leh: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Weeraray Mowlaca Xerta Sheekh Cali Geeldoon Laba Gabdhoodna Ku Dhex Kufsaday.

0

Kismaayo (AGGM);Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni weerareen Mowlaca Xerta Sheekh Cali Geeldoon.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maaleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay xalay weerar gudaha ugu galeen Mowlaca Xerta Wadaadka Caalinka Ah ee Sheekh Cali Geeldoon islamarkaana ay isla goobtaas ku kufsadeen laba gabdhood oo inamo ah oo uu dhalay mid kamid ah Xerta Sheekh Cali Geeldoon.

Gabdhahan lagu dhex kufsaday Mowlaca Sheekh Cali Geeldoon ayaa waxaa dhalay mid kamid ah Culumaa’udiinka caanka ah ee ka tirsan xerta Sheekha Caalimka ah ee Sheekh Cali Geeldoon..

Sheekh Cali Geeldoon ayaa waxa uu kamid yahay Culumaa’diinka ugu waaweyn kanamid ah Caalimiinta deegaanada Jubbooyinka, waana marki ugu horeysay abid xataa xiligi dagaalada Sokeeye ee sagaashanaatki ma aysan ku dhiiran jirin maleeshiyaadka hubaysan inay gudaha u galaan Mowlaca Sheekh Cali Geeldoon iskaba daa’e in gabdho inama ah lagu dhex kufsado.

Dhinaca kale waxaan weli ka hadlin falkan waxuushnimada ah kana fog dhaqanka Suuban ee Islaamka iyo midka Soomaaliyeed Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo tacadiyada loo geesanayo birmageydada ku nool magaalada Kismaayo ayaa ahayn mid lagu soo koobi karo qoraal ama erayo,mana ay jiraan cid wax ka qabata tacadiyada waxuushnimada ah ee sida bareerka ah ay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uga geesanayaan gudaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com