Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiin safaarada Yemen ee Soomaaliya kasocday

0

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxd Kheyraadka Aadamiga Cabdullaahi Sheeq Cabdiraxmaan “Heybe” Agaasimaha Waaxda Warbaahinta Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa mas’uuliyinta Safaaradda Yemen ee Soomaaliya iyo tan Wasaaradda.

Safiirka Yemen ee Soomaaliya ayaa xusay in aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo madaxda kale ee Wasaaradda, waxaana uu tilmaamay in uu dhankiisa uu xoojin doono wada shaqeyn dhexmarta Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta.

Danjiraha ayaa kormeeray dhamaan waaxyaha Wasaaradda Warfaafintaay ka koobantahay, isagoo howlwadeenada ku booriyay inay sii labo jibaaraan howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ahna ku-simaha Wasiirka mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in safiirka ay isla garteen waxyaabo badan oo horseed u noqon doonto wada shaqeynta labada dhinac, isla markaana Wasaaraddu ay sii xoojineyso adeegyada ay bulshada